sanaaglandheeso2.jpg
 
Sahra Axmed ayaa Fanka Somaaliyeed ku soo biirisay Cod wacan iyo hanaan Jileedeed Wanaagsan, Sahra waxeey ka soo jeedaa Degaan ahaa Gobolka Sanaag oo ah Degaamo
Taariikhi weyn leh sidda-Halgankii Daraawiishta, Buurta ugu Dheer ee Daalo, Qabrigga ama
Maqaamka uu ku Aasan-yahay Sheekh Isxaaq Bin Axmed, Gobolka ayaa waxaa ku dhashay
Shakhsiyaad Caan ah Sidd:- Abwaan Al-Marxuum-Xaaji Aden Af-Qalooc, Sugaan Yaqaan-
Baal-Baal, Abwaan Saciid Saalax, Mulaxinka Caanka-Ismaciil Xudeedi, Gen-Cabdi Dhiboo,
C/Raxmaan Ducaalle, Dr-Gacameey, Proff- Caalin, Al-Marxuum- Danjirre-Meykal Maryama,
Danjirre-Dhuko iyo Fanaanadii Dhanka Jilidda ku caanka aheyd-Khadiijo Ceerigaabo iyo Dad
Badan oo Magac iyo Maqaamba leh, iyo Weliba Saldanadda Somaaliyeed ee Qadiimka ah
ee Reer Cali Shirre iyo Hogaan Dhaqmeed Magac iyo Maamuus weyn leh, iyo Magaalooyin
Taariikhdi ah sida-Ceerigaabo, Laasqoray, Xiis iyo Meydh, Ceelaayo, Buraan, Ceel-afweyn iyo
kuwo kaleba iyo Shakhsiyaadkan-Reer Xaaji Miyateen, Reer Xaaji Nuur, Reer Xaaji Doodi iyo
Reer Xashiishi, iyo Sugaan Yaqaankii Weynaa Al-Marxuum-Xaaji daahir Af-qarshe iyo Ehel
Ceelaayo Reer Dhahar.
Sahra Axmed, waxeey Keydka Heesaha Somaaliyeed ku leedahay Tirro aad iyo aad u badan
oo Heeso Wanaagsan ah oo eey Curiyeen Abwaano Magac weyn leh Sidda;- Xassan Geni,
Al-Marxuum-Kaariye, Al-Marxuum-Cusmaan Askari, iyo Abwaan-Axmed Suleemaan Bide iyo
Abwaano kalle oo Caan ah, Dhanka Riwaayadaha ayaa Xidigta Sahra Axmed si weyn u caan
tahay hanan iyo hab jileedna wacan leedahay, Codka Sahra ayaa mid Naaxiyad iyo luuqeyn
Gaar ah ee Codkeeda siinaaya sifi gaar ah iyo soo jiidasha weyn, Heesaha Sahra ayaa ah kuwo la oran karo waxeey ka mid yihiin kuwo ugu wanaagsan Heesaha Somaaliyeed;-Sidda
Heesta Caanka ah-Sanaag ama Saraar oo uu Curiyeey Abwaanka Weyn-Xassan Geni.
Dhinaca Qof ahaaneed Sahra Axmed ayaa ah Fanaanad aad iyo aad caadi u ah, oo xurmo
iyo qadarin weyn ku leh bulshadda dhexdeedda, Sahro waxeey ka xur tahay isla weynidda
iyo waxa la yiraahdo Kibirka, waa Shakhsiyad Bulshaaniyad ah si weyn u qadarisa Bahdda
Fanka Somaaliyeed iyo Muwaadiniinta Caadiga ah, Sahra Luqad Wanaagsan iyo Xurmeeysan
ayeey Dadka kula Hadashaa waana Qof soo dhoweeyn wanaagsan, waana Sifooyinka maanta
laga heli karro in yar oo dadka Somaaliyeed ka mid ah, Dhaqanka Degaamadda Sanaaga ayaa Runtii Habkaas ku dhisan waayo- Bulshadda Degaankaas ayaa leh Xiriir weyn oo is dhex
gal ah iyo Ehelimo weyn iyo Xurmeeynta iyo Hanaanka soo dhoweeynta Dadka, Sahra oo ah
Safiir Wacan oo Fanka Somaaliyeed Guud ahaanba iyo Hanaanka iyo habka Dhaqameedka
Gobolka Sanaag.
Waxaan ka Cudur daaranaayaa haddii Qormadanu noqon weyn mid gaarsiisan Maqaamka iyo
Hanaanaka iyo Heerka ama Kaalinta Fanaanadda Weyn Sahra Axmed Jaamac, Anigoo ah
muwaadin Aqoon ahaan iyo Af-Tahannimadu ku Yartay, Laakiin Xurmo iyo Qadarin iyo Tixgelin
aan u Hayo Fanaanadda Weyn Sahra Axmed Jaamac iyo Fanaaniinta Somaaliyeed awgeed u
Bandhigaayaa Qormooyinka Kooban, Fanaanadda Xidigta Codka Wacan Leh-SAHRA AXMED
JAAMAC, Gunaanadka Qormadan Salaan Wacan oo Xurmo iyo Qadarin weyn huwan iga Gudoon Marwo.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 14/08/2005.
-sharifhassan50@yahoo.com