
Fanka Somaaliyeed ayaa ah Kanis Qaali ah oo Dhaxal ahaan Ummadda Somaaliyeed u Leedahay oo Ma Duugoobe ah, Sugaanta Hodanka ah iyo Hoobalaha Xidigga Fanka Ayaa ah kuwo Xurmo Gaar ah iyo Qadarin aan la Soo Koobi kareen u Leh Ummadooda, Waana Safiiro sidii ku habooneyd u Metelaaya Sharafta iyo Sumcadda Dadkooda iyo Dalkoodaba, Bogag Dahab ah kama Qaran Taariikhada Dalkooda. Hibo Xaaji Maxamed (Hibo-Nuura) ayaa ka mid ah Xidigaha Qoraxdu Qarin Weeyday, Habka iyo Hanaanka Faneed iyo Hibadda Rabaaniga ah ee Codeed iyo Heeybadda Qofeed ayaa ka Dhigaay Hibo Fanaanad Maqaam Gaar ah leh, Xishoodka iyo Xaq-dhoowrka ayaa ah mid eey Asal u leedahay oo lagu Soo Barbaariyeey- Hibo Aabeheed Al-Marxuum, Sh, Al-Xaaji Maxamed ayaa ah Shiikh Caalim ah oo aad iyo aad u Dhaqan Wanaagsanaa, Sifooyin Wacan lahaa Dad Jaceyl Lahaa, Talo Wanaaga Lahaa, Anigu Shakhsiyan Ayaan u Garanaayeey oo Waxaan ka Mid ahaan Jirray Dadka eey Isku Masaajidka ahaan jireen Sheekh Max,d oo had iyo Jeed Waano Waalidnimo oo Dhaxal Gal ah Na Siin Jireey, Waxaan alle uga Rajeeyeey in uu Ka Waraabiyo Janadda Fardoosa, Amiin. Fanka Somaaliyeed oo kaalin wacan gaaray ayaa laha Fanaaniin Caan oo Codkooda si Weyn loo Xiiseeyo loona Hiloobo Maqalka Heesahooda Xikmadda iyo Qiimaha weyn leh dadkuna Kala Mudan oo kala Cod Fiican kalana Caansan, Hibo-Nuura ayaa ka mid aha Inta Kooban ee ah Xulka Qaranka ee Gabdha Fanaaniinta ahaa oo eey Weliba Dheereeyda Habka eey Qaadatay kuna Saleeysay Fankeeda Dhaxal galka ah(Xishoodka iyo Xaq-dhoorka )ayaa Fanka u Dheer Hibo iyo Qiiradeeda Wadaniyadeed, Daacadnimadda iyo Kartideeda iyo Weliba Tarbiyadii Suubaneyd ee Aabbe Al-Marxuum-Xaaji Maxamed, iyo Qiimaha Faneed oo ah mid si wacan loo soo xulay kuna Fadhiya Qiimo iyo Qaayo Sugaaneed iyo Qaabka Jilista Hibo oo Soo Jiidasho leh, Sidda Fanaanadaha:- Al-Marxuuma-Magool, Sahra Axmed, Saado Cali, Khadra Daahir, Faaduma Qaasim, Maandeeq, Amina C/Laahi, Maryan Mursal,Seynab Xaaji Cali Baxsan, Luul Jeylaani iyo Kuwo Kalleba. Wajiga Furan ayaa Sawir cad u ah Niyad Samidda iyo Qalbi Hufnanta Xidigta Qaaliga ah, Ayaa la Wadda Ogyahay Maqaamak iyo Hibadda Alle ee eey Leeyihiin Abwaanadda Hibo Heesaha u Curiyeey, Gaar ahaa Sugaan Yaqaan, Curiye Abwaanka Weyn, Xassan Sheekh Muumin oo ka mid ah Abwaanadda ugu Caansan uguna Aqoon Wanaagsan Dhanka Curinta iyo Riwaayado Sameeynta, Heesaha Hibo-Nuura lama Soo Koobi karro Tirro Ahaan iyo Sida Dadweynuhu u Xiiseeyo Maqalkood, Waana kuwo aan Gabobeyn ee Xili walba iyo da Walbaa Dhageeysan Karto, Dal Gaceyl dhab ah ayaa Tilmaan u ah Hibo oo Asal ah Hibo Alle Dalka Iyo Dadka ugu Deeqay, Hantidda ugu Badan oo Hibo ka Heshay Fanka Somaaliyeed waa Xurmo iyo Tixgelin iyo Sharaf weyn oo dadkeedu u hayo Waana Hantidda ugu Qaalisan ee Qof Bashar ahi heli karro oo ka qiima badan Wax Walba oo kalleba,Waxaa ka mid ah Dadka ama Abwaanadda Hibo Heesaha Wacan u Curiyey-Abwaannkii Weynaa Al-Marxuum-Xuseen Faarax, Abwaan, Xassan Sh.Muumin, Abwaan, Axmed Saleeban Bide, Abwaan, Cali Sugulle, Abwaan Fanaan, Al-C/Qadir Xassan Najeeye, Abwaan, C/Qaadir Xassan Yamyam,Abwaan, Al-Marxuum, Max,ud Tukaale Cusmaan, Abwaan Al-Marxuum, Max,d Cali Kaariye, Abwaan, C/Laahi Sooraan, Abwaan Al-Marxuum-Huryo, Abwaan, Yuusf Max,d Muumin, Abwaan,Yuusuf Qariib, Abwaan, Xassan Xaaji C/Laahi Geni iyo Abwaan, Cabdi Aden Qeys iyo Kuwo Kaleba. Hibo Codkeeda Gaarka iyo Hanaanka Faneed ayaa u Saamaxay in si Lamaane ah Heeso ula Qaado Fanaaninta Caanka ah ee Somaaliyeed Sidda:- Maxamed Saleebaan, Al-Marxuum- C/Naasir Xassan, Al-Marxuum, C/Qadir Xassan Najeeye,Al-Marxuum, C/Khadar Xassan,Max,d Axmed Kuluc,Xassan Aden Samater, C/Qaadir Macalin Jubba, Axmed Cali Cigaal, Saalax Qaasim Naaji, Abwaan Fanaan, Cabdi Muxumud Amiin, Faarax Guuleed iyo ku kalleba, Heesaha Hibo ku Luqeeyso Waxaa ka mid ah;- 1- Sahal Walaal 2-Dahab La Moodyeey 3-Gu,geeni 4-Kubo Maleh, Kubo Maleh, 5-Daalo. 6-Ma Muujee Gacelka 7-Hambabaro 8-Hoygan Dhisnaa 9-Sida Goraya Cowl 10-Hamaad Gacalle Soo Noqon 11-Sheekadu Ma Kow iyo Kun Habeen Mid Socotaa 12-Amiinta Ducadiyo Ale Bariga Mooyee 13-Degmo iyo Dacar iyo Heeso Kalle oo aad iyo aad u Fara badan oo aan kala Dhicin Dhanka Xikmadda iyo Erayadda Wanaagsan iyo Hab Laxankood Cajiibka ah,Hibo Waa Xidig Fanaanad Qarameed Heerka Koowaad ah, Fanka Somaaliyeedna ku kordhisay Hanaan iyo Heybad Weyn oo Heerkiisa Kor iyo Kor u Qaaday, Xurmo iyo Qadarin iyo Xiiso Weyn ayeey u Hayaan Dhammaan Bahdda Fanka Somaaliyeed Hibo-Nuura oo ah Ururiso iyo Walaal Xaqiiqo ah oo Soo Gacan Qabatay Fanaaniin Badan oo Fanka ku Soo Biiray. Hibo Xaaji Maxamed (Hibo-Nuuro) oo Si Weyn u Qiireeysan ayaa igu Tirri-Waxaan Alle ka Rajeeyeey Dalkii oo Nabad ah, Wanaagsan iyo Dadka oo Walaalo ah in uu inoo soo Celiyo, Dowlad Fiican Cadaalad, Sinaan iyo Xaq-soor leh, Daryeel Fiican leh oo Dadka u Shaqeeysa ayaan Alle ka Rajeeynaayaa, Somaaliyeey Gacmaha Is-Qabsadda oo Xumaanta Samaan iyo Wanaag ku Bedela oo Alle Kaashadda oo eeynu Duceeysano, Dalkeeyga iyo Dadkeeyga Waan Jaclahay, Waan Jeclahay Walee Waan Jeclahay. Firri Gaar Ah;- Taariikhi Faneedka Xidigta Weyn Fanaanadda Caanka ah- HIBO-NUURA Qorro Gaaban laguma Soo Koobi Karro waayo waa Soo Jireen Maqaam weyn leh oo u Baahan Bogag iyo Bogag Dahab Lagu Sharxo oo eey Qoraan Abwaanadda iyo Macalimiinta Habka Wax Qorista ee Caanka ah, Markaa Waxaan Raali Gelin ka Bixinaayaa Wixii Dhiman oo dhan Iskastoo aan Dadaaleey, Marwo Fanaanad-HIBO XAAJI MAXAMED (HIBO-NUURA) Salaan Wacan iyo Xurmo Gaar ah iga Guddoon Walaal.
-Alla Mahad Leh- -Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)- -Hudderfield-England- 05/08/2005. -sharifhassan50@yahoo.com